Sunday 5 August 2018

Mayalkii adkaayow markale dib isku soo muuji
Milaterigi ciidda udhashoow maatida uhiilli
Madaxdii ladoortaay dhulkii naga maqna raadi

Marsadii jabuutaay casmara maarre ka hor geeya
Muqdishaay wajeer iyo jigjiga muxubadood yeelo
Muusiya farmaajow bulshada wada mataaneeya

Maamulkii galbeedow xornimo dhaliya meeqaam leh
Xabashida na maagtaay awood kugu maquunaynay
Maalaa iigta eebbiyo jinkuba noo matale ciidan

Dalka lagu murmaayoow xudduud magac leh kuu yeelnay
Maalkeena dhacanoow ciddii kuu milkileh sheego
Munaafaqa isbiirsanahayoow kiin isugu miirmay

Ninkii macatab iga raacayow adiga kaa maarmay
Muslimiinta soomaalidaay meel uwada jeeso
Musuqmaasuq ruuxii bartow kuu maxkamadaynay

C..... Abdi Mahad Xasan

Mayalkii adkaayow markale dib isku soo muuji Milaterigi ciidda udhashoow maatida uhiilli Madaxdii ladoortaay dhulkii naga maqna raadi Ma...